Akhriso Safiiradda Soomaliya Oo Ka Digay In Ay Xidhmayaan Safaaradaha Ay Ka Shaqeeyaan

Safaaradaha Soomaaliya ee kuyaala caalamka qaarkood ayaa qarka u saaran in ay xirmaan ,kadib markii laga jartay qarashaadkii socodsiinta adeega safaaradaha (RUNNING COST) oo bil kasta la siin jiray safaaradaha .

Warqad cabasho ah oo safaaradan dhoor mar u dileen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya kuna dalbanayeen in la siiyo qarashaadka adeega ee u baahan yihiin safaaradaha ayaan looga soo jawaabin.

Danjirayaasha iyo Qunsuilada Soomaaliya u jooga in ka badan 20-Wadan oo warqadan hoos ku xusan u diray Wasiirka Arimaha Dibadda ayey ku sheegeen in shaqooyinka safaaradaha socon la yihiin ayna mushaar la’aan yihiin shaqaalaha safaaradaha mudo dhoor bil ah.

Safaaradahan ayaa sidoo kale sheegay in qarashkii adeegga ama socodsiinta howlaha Xafiisyada sanadkii hore 2019-kii qaarkood ka maqan yihiin ayna hada ugu darsantay sanadkan oo bilooyin badan ka maqan yihiin.

Bajadka Dowlada oo ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku jira qarashaadka ku baxa Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalka dibadiisa, lamana oga cida ay ku maqan tahay lacagahan safaaradaha xaqa u lahaayeen balse aan la siin.

Danjirayaasha iyo qunsulada lacagaha badan ka maqan yihiin ayaa hada kasii niyad jabsan xiligan kala guurka ah , waxa ayna ka cabsi qabaan in lacagihii lagu socod siin lahaa shaqooyinka safaaradaha in loo adeegsado ololaha doorashada.

Halkan ka AKhriso mid kamid ah qoraalada cabashada ee Danjirayaasha:-

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy