Heemaal News Network

Al-shabaab Oo Beenisay Inay ka Tirsan Yiin Xubno Lagu Xiray Ethiopia Oo Ay soo Bandhigtay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay sheegashada Itoobiya ee ah in ay xireen xubno ka tirsan kooxdooda, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.

Bayaan kasoo baxay Alshabab, ayaa lagu sheegay in sheegashada Ethiopia uga dan leedahay in ay indhaha caalamka ka jeediso qalalaasaha ka taagan gobolka Tigreega.

“Hadalka Ethiopia ee ku saabsan in ay qabteen xubno ka tirsan Alshabaab waa arrin aan sal iyo raad lahayn, waa sheegasho siyaasadaysan oo uu Abiy Axmad ku doonayo inuu indhaha caalamka uga leexiyo dhibaatada iyo colaadda ka taagan gudaha Itoobiya” ayuu yiri Cabdi Casiis Abu Muscab, afhayeenkii howlgallada Al-Shabaab.

Alshabaab waxay iska fogeeyeen in ay wax lug ah ku leeyihiin qalaalasaha ka socda dalka Ethiopia.

Sirdoonka Itoobiya (NISS) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo qorsheynayay in ay weeraro ka fuliyaan goobo kala duwan oo dalkaas ka mid ah.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ee loo soo gaabiyo (ENA) oo soo xiganeysa NISS ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo Daacish ay xubnahooda u direen magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah si loo fuliyo falal argagixiso oo wax u dhimaya nafta iyo hantida dadka sidoo kalena sumcadda dalka wax u dhimaya.

Related posts

Somaliland Oo Xukun Adag ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil ka Gaystay Burco.

Heemaall

Puntland Oo Shir Deg-deg ah ka Yeelatay Khasaaraha Duufaanta GATI Ee ku Dhufatay.

Heemaall

Agaasimaha W/Ciyaaraha Oo Beeniyay Inuu la Sajuuday Xulka Hargaysa Markii Uu ka Badiyay Borama

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More