Heemaal News Network
somali

Al-Shabaab Oo la Wareegtay Degmada Bacaadweyn Ee Gobolka Mudug (Sawirro)

Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay caddeyn muujineysa qaabka ay ula wareegtay deganka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo ay dhowaan shaaciyeen inay qabsadeen dagaal la’aan.

Waxaa degaankan muddo dheer ku dagaalamayey ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo ka hortaagnaa Alshabaab waxaana la sheegay inay Jimcihii isaga baxeen ciidamadii dowladda, taasoo keentay inay si fudud ula wareegaan Al-Shabaab.

Xarumihii Maamulka Galmudug iyo xeryihii ciidamada Xoogga dalka ee degaanka ayaa waxaa buux dhaafiyey Al-shabaab sida ka muuqata sawirada, iyadoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug iyo talisyada ciidamada dowladda kuna saabsan sababta ay uga baxeen degaankaasi oo muddo dheer laga difaacayey Al-shabaab.

Related posts

Magacyada Golaha Wasiirada Ee la Filayo Inay ku Dhawaaqdo Taalibaan.(Akhriso)

Heemaall

Abwaan Shaacirka Hargaysa Oo Amaan Iyo Bogaadin Huwiyay Madaxwayne Deni.

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo Caawa Isku Keenay Mayar Solteco iyo Cabdikariin Axmed Mooge.

Heemaall