Al-Shabaab Oo Maanta Degmada Saakow ku Toogtay Shan Nin Oo Lagu Eedeeyay Sirdoono ka Tirsan Kenya.

Ururka Alshabaab ayaa maanta galinkii denbe xukun toogasho ah ku fuliyay shan nin oo lagu eedeeyay iany ahaayeen basaasiin ama sirdoon dilkaas oo ka dhacay fagaaro ku yaala degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Xaakinka Maxkamadda Alshabaab ayaa boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka lagu riday shanta Nin ee latoogtay, waxaanu ku eedeeyay inay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenaya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan Ragga maanta lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay ee ah in ay u basaasayeen dhinacyo shisheeye, iyagoo halkaasi ka shaaciyay magacyada ragan maanta lagu toogtay magaalada Saakow.

1-Cabdiraxmaan Xuseen Max’med

2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar

3-Caliyoow Jiinoow Nuur

4-Maxamed Yuunus Mad Keer

5-Cabdishakuur Xasan Xuseen.

Sikastaba ha ahaatee labo maalmood ka hor ayaa sidaan oo kale ururka Al Shabaab ay magaalada Jilib ugu toogteen illaa 5 ruux oo ay lagu eedeyay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

© Heemaal News Netwok