Al-shabaab Oo Shaacisay Mid kamid ah Raggii Ay Dilka ku Fuliyeen Inuu ka Tirsanaa Sirdoonka Britain

Al-shabaab ayaa sheegay in ay meel fagaaro ah ku dileen Cawaale Axmed Maxamed oo 32 sano ah jir ah, waxaa ay sheegeen in uu Basaasayay Cawaale Sirdoonka Britain, MI6.

Cawaale iyo afar kale oo dhalinyaro ah ayeey maalintii shalay Al-shabaab ku toogteen meel fagaaro ah degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, sida uu sheegay Maxamed Abu Cadalla oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab.

Sidoo kale guddoomiyaha Jubbooyinka ee Al-Shabaab ayaa sheegay in saddex kamid ah raggii ay toogteen ay u basaasayeen dowlada Maraykanka ayna caawinayeen diyaaradaha duqeymaha ka fuliya saldhigyada Alshabaab halka qofka afaraadna uu ahaa sirdoon u shaqeynayay dowlada Soomaaliya.

Raggan la toogtay oo dhamaantood dhalinyaro ahaa ayaa lagu eedeeyay in u kala basaasayeen sirdoon ka, Soomaaliya, UK, iyo Mareykanka, hasse ahaatee dhinacydan oo dhan wax war ah kama aysan soo saarin waxa ka jira eedeynta Al-shabaab.

© Heemaal News Netwok