Heemaal News Network
somali

Al-Shabaab Oo Shacabka Ugu Baaqay Iney ka Fogaadaan Xarumaha Dawlada

Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Muuse Cabdi Carraale ayaa sheegay iney bilaabeen weeraro toos ah oo lagu qaadayo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Carraale oo horey u ahaa afhayeenka kooxdii Xisbul Islaam ee ku biirtay Al-shabaab oo la hadlayey warbaahinta Al-shabaab ayaa tilmaamay in weerarkii habeen ka hore lagu qaaday degmooyin ka tirsan Muqdisho ay hub iyo saanad badan kaga furteen Ciidamada dowladda.

“Al-shabaab hub iyo saanad ma soo iibsadaan balse ciidamada dowladda Federaalka ayey ka furtaan isla iyaga ayaana dib ugu weerarnaa” ayuu yiri

Carraale ayaa ku goodiyey inay maalmaha soo socda Muqdisho ku qaadi doonaan weerarro toos, isagoo shacabka ugu baaqay iney ka fogaadan goobaha iyo xarumaha ay joogaan ciidamada dowladda.

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo la kulmay Wakiilka Q/Midoobay Ee Somaliya.

Heemaall

Faahfaahinta:- Ganacsade Caan ah Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

Heemaall

Argagixiye Caawa Dilay Askari ka Tirsan Ciidanka Dawlada Oo Isla Goobtii Lagu Dilay.

Heemaall