Al-Shabaab Oo Siidaysay Dhaqaatiirtii U Dhashay Cuba Oo ay ka Afduubteen Kenya.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay sii daayeen labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya 12-kii bishii Abriil ee sanadkii 2019.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan sirdoonka, dhakhaatiirtan ayaa la siidaayay dhamaadka isbuucii la soo dhaafay, kadib wadahadalo bilo qaatay oo ay la galeen Al-Shabaab oo dhaqaatiirta heystay.

Wasiirka Arimaha Dibada Cuba Bruno Rodriguez ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka ku sheegay in la siidaayay labada dhaqatar, wuxuuna uga mahadceliyay dowlada Soomaaliya caawinta ay siisay.

Ma cadda inay jirto madax furasho la bixiyay si loo sii daayo., hayeeshee Dowladda Cuba ayaa xaqiijisay siideynta labada dhaqtar, halka Kenya dhankeeda ay sheegtay inay maqleen siideynta labada dhakhtar balse aysan ka warqabin halka ay ku dambeeyeen.

Labada dhaqtar uu lagu kala Magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen koox ka socotay Cuba oo ka kooban 100 xubnood oo Kenya u yimid inay ka shaqeeyaan heshiis dhex maray labada dal.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy