Shacabka Dalka Faransiiska Oo U Dareeray Doorashda Kama Danbaysta Ah Ee Baarlamaanka

Shacabka dalka Fransiiska ayaa u dareeray wareega labaad ee doorashada barlamaanka dalkaasi, ka dib markii uu soo idlaaday wareegii kowaad isbuuci hore.

Xisbiga cusub ee madaxweyne Emmanuel Macron ayaa rajaynaya in musharraxiinta xisbigiisa La Republique en Marche ay ku guulaysan doonaan aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka oo ka kooban 577 kursi.

Kala bar murashixiinta xisbiga madaxweyne Macron ayaa ah kuwa ku cusub saaxad siyaasada, waxaana haatan la sheegaya in tirada dadka usoo baxay in ay codkooda dhiibtaan ay aad u yartahay.

Guul uu gaaro xisbiga Macron ayaa dhabar jab weyn ku noqon doonta labada xisbi ee dalkaasi ugu faca weyn, kuwaas oo gaari waayay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore.