Heemaal News Network
Soomaaliya

Alshabaab Oo Afar Qof Ku Toogtay Sablaale

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku toogtay afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxkamadda Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xukun ku fulisay afarta qof, kuwaa soo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen dowladda Federaalka.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in afarta ruux ay kala ahaayeen.

1- Ayuub Xassan Buraale 23 jir ah oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Maamulka degmada Kuntuwaareey uguna Magacaawnaa dhirta iyo daaqa.

2- Xassan Cusmaan Cali (Abayle) 40 jir oo ay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgallaan aadna looga yaqaanay degmadaas.

3- Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) oo da’diisu lagu sheegay 40 jir ayay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda,isla markaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

4- Xuseen Xassan Geelle 30 jir ah oo ah ninka afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, isla markaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee G/Shabeellaha Hoose.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay dil ugu fuliyeen dad ay sheegeen inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaasoo goob fagaaro ah ay ku toogteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More