Heemaal News Network

Alshabaab Oo Afduubtay Ciidan Dhuxul Galbinaayey

Al-Shabaab ayaa la sheegay in askar ka tirsan ciidanka dowladda ay ka Afduubteen degaanka Tabeelaha Maama-caliyow oo 20 KM u jira degmada Wanla-weyn, halka Afgooyana uu u jiro qiyaastii 40 KM.

Af-duubka askartaan ayaa ka dambeysay kadib kadib markii Al-shabaab ay weerareen gaadiid ay ciidankaas la socdeen oo dhuxul waday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-shabaab ay dileen 3 qof oo shacab ah, waxeyna gubeen 2 gaari oo mid kamid yahay gaari weyn.

Saraakiisha ciidamada xoogga iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaan weli ka hadlin afduubkan loo geystay ciidamadan ka tirsan dowladda.

Dhanka kale Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay Tuulada War-maxan ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda oo gacanta ku hayay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay xalay la wareegeen tuuladaasi, isla markaasna ciidamada dowladda ay ku suganyihiim meel aan ka fogeyn halkaasi.

Related posts

Ragii Dilay Wariye Jamaal Oo Lagu Raad Joogo

Heemaal

Booliska Soomaaliya Oo Wacad Ku Maray In Ay Sharciga Hor Keenayaan Koox Dil Gaysatay

Heemaal

Ilhaan Cumar Oo si Adag U Cambaareysay Burburinta Israel ka Bilowday Dhulka Falastiin

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More