Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in xalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal saacado socday uu dhex maray labada dhinac, isla markaana ay dhinacyadu isku adeegsaday hub culus.
Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, gaar ahan kuwa xoogga dalka ay hadda ku suganyihiin, isla markaana ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid Al-Shabaab.
Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, welina labada dhinac wax faahfaahin ah kama bixin dagaalkaas.