Heemaal News Network
somali

Alshabaab Oo Qirtay Inay Ka Dambaysay Weeraradii Muqdisho

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu weeraray xarumaha 12 degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayay Alshabaab sheegeen in ay ku dileen 5 qof ruux oo katirsan shaqaale ku sugnaa goobaha la weeraray, sida lagu sheegay war lagu faafiyay baraha internetka ee kooxda Alshabaab.

Goobaha weeraradan waxaa ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Shibis, Boondheere, Wardhiigleey, Howlwadaag, Wadajir, Dharkeenleey, Hodan, Yaaqshiid, Hiliwaa, Dayniile, iyo Garasbaaleey.

Waa weerarkii labaad oo ka dhaca qeybo kamid ah magaalada Muqdisho muddo todobaaad gudihiis ah. Dhowaan ayay ahayd markii Alshabaab ay weerareen xarumo ciiddan oo kuyaala Muqdisho.

Waxay markii ugu horraysay muddo sanado kadib Alshabaab gacanta ku dhigeen saldhig ciiddan oo kuyaala degmada Kaxda, iyagoo kadibna horey usii qaatay labo gaadiid oo ciidanka boolisku lahaayeen.

Related posts

Maxkamada Finland Oo Ansixisay Masaafurinta Muwaadin kasoo Jeeda Somali.

Heemaall

Ciidamada Mareykanka Oo Shaaciyay In Duqeyn Cirka ah ku Dileen 27 Shabaab ah

Heemaall

Ra’isul Wasare Abiy Oo Fariin Hanjabaad ah kasoo Diray Jiida Hore Ee Dagaalka TPLF

Heemaall