Heemaal News Network
somali

Alshabaab Oo Shaacisay Xogta Ragii Isku Qarxiyay Cabdicasiis Africa

Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika).

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi laga qaaday ninkaan kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna magaciisa ku sheegay Ciise Cabdi Cabdulle oo ku magac dheer (Ciise Miskiin).

Ninkaan ayaa wareysiga ku sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Murusade, gaar ahaan lafta Habar-Maxamed. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu ku dhashay deegaanka Dirri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Da’diisa ayuu ku sheegay 27 Jir, wuxuuna kooxdaan kusoo biiray isagoo 17 sano jir ah, isaga oo markii hore ka mid noqday qeybta Jabhadda, gaar ahaan kuwa ka dagaalamo Gobolka Galgaduud kahor inta uusan iska diiwaan gelin qeybta Is-miidaamiyayaasha.

Ninkaan ayaa dhammaadka wareysiga uu bixiyey wuxuu kula dardaarmay xaakiisa, isagoo u sheegay inay samarto, islamarkaana ay wiilkiisa Cabdullaahi ku barbaariso Diinta si uu isaga ugu daydo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay Afrika

Related posts

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabis Sameeyay.

Heemaall

X/Kulmiye Oo Shaaciyay In Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Uu Noqdo Faratoon.

Heemaall

Hargaysa:-Sanator Iska Casilay Aqalka Sare Oo Waraysi kaga Hadlay Siyaasada Somaliya Iyo Somaliland

Heemaall