Heemaal News Network
somali

Alshabaab Oo Weerar Culus ku Qaaday Saldhiga Ciidamad Keynya Ee Gobalka Wajeer.

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Kutulow oo hoostaga degmada Qorof-xaraar ee gobalka Wajeer.

Dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay degaanka Kutulow, kaas oo dadka degaanka ay sheegeen in mararka qaar hubka ay isku ridayaan labada dhinac uu Xaafadaha kusoo dhacayay.

Saraakiisha Ciidamada Kenya sirasmi ah uma shaacin khasaaraha Ciidamadooda kasoo gaaray dagaalkaas, hayeeshee ay sheegen inay iska difaaceen weerarkii kaga ymid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay degaanka ku sugan yihiin.

Qaar kamid ah dadka degaanka Kutulow oo hoostaga degmada Qorof-xaraar ee gobalka Wajeer aya waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay jiran dad Shacab ah oo dagaalka labada dhinac ku dhaawacmay.

Weerarkaan xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ku leeyihiin degaan ka tirsan Gobolka Wajeer ayaa kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weerareen Ciidamo Kenyan ah oo ilaalo ka hayay Gaari ku safrayay inta u dhaxeya degaannada Oola iyo Sarmaan oo hoostaga degmada Raamuu oo tirsan gobalka Mandheere ee dalka Kenya.

Related posts

Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ku Matalaya Jubaland Oo la Magacaabay.(Akhriso)

Heemaall

Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo ku Guulaystay Doorashada Aqalka Sare.

Heemaall

Siyaasi Shaaciyay Cida Rabta In Muqdisho la Gubo

Heemaall