Heemaal News Network
somali

Alshabaab Oo Weerartay Huteel Ku Yaala Magaalada Muqdisho

Weerar qaraxyo ku billowday ayaa caawa lagu qaaday hoteelka Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu beegsaday hoteelka Xayaat. Qaraxa koowaad ayaa lagu dhuftay Hoteelka, waxaana daqiiqado ka dib la qarxiyay gaarigii labaad.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lagama hayo xog sugan.

Ciidanka booliska ee Haramcad ayaa gudaha u galay Hoteelka hadda, waxaana weli caddayn waxa ka socda gudaha hoteelka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya inay galeen koox hubeysa.

Dad isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku wax yeeloobay weerarka oo ilaa hadda ka socda gudaha Hoteelka.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, Muxiyadiin Warbac Shadoor oo ah ayaa lagu waramayaa in uu kamid yahay dadka ku dhaawacmay weerarka

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxayna intaas ku dartay in dagaalamayaasheedu ay gudaha u galeen hoteelka.

Related posts

Israsaasayn Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo ka Dhacday Gobolka Sool.

Heemaall

Ina Cabdirashiid Gaas Iyo Faroole Oo Gaaray Garowe Lana Kulmay M/Deni.(Sawiro)

Heemaall

Dal Muslim ah Oo Markii U Horeysay Haweenay ka Noqotay Garsoore Maxkamada Sare.

Heemaall