Heemaal News Network

Alshabaabtii Dhuusa Mareeb Soo Weerartay Oo Dhamaantood La Laayeey.(Sawiro)

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay mar kale weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday magaalada Dhuusamareeb oo shirka wadatashiga ah ee madaxda dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ka socdo.

10-Dagaalame oo watay gaari nooca ay Soomaalidu u taqaano Qooqan ayaa soo istaagay meel qiyaastii 1-KM u jirta magaalada, waxayna ku bilaabeen hoobiye.

Illaa laba hoobiye markii ay rideen ayaa waxaa jiha kasta uga bilaabatay rasaas, waxaana halkaas lagu dilay 8 ka mid ah, halka labadii soo hartay midna nolosha lagu qabtay, midna dhaawac ku fakaday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiishii hoggaamineysay askartii fulisay howlgalka.

Howlgalkan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Gor-Gor ee dhawaan la geeyey Galmudug, kuwaas oo horay loogu sii diyaariyey meel u dhaw goobta ay hoobiyaha ku rakibteen xubnaha la laayey ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Laba habeen ka hor ayey Al-Shabaab goobta xalay lagu laayey dagaalamayaashooda ka soo tureen ku dhawaad 10 hoobiye oo ku kala dhacay xaafadaha magaalada, balse weerar jid gal ah ayaa habeenkaas looga dilay hoggaamiyahoodii, halka dagaalame kale nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah.

Saraakiisha la hadlay warbaahinta ayaa intaa ku daray, inay xubnaha xalay la dilay ay ka furteen gaarigii ay wateen, ku dhawaad 10 qori oo AK-47 ah, laba hoobiye iyo rasaas badan.

Related posts

Soomaali Iyo Dad kale Oo Ajaanib ah Oo ku Dhibaateysan Xabsiyada libya.

Heemaall

Burcad Sumeyn Rabtay Biyaha Magaalo ku Taalla Mareykanka Oo la Fashiliyay.

Heemaall

Golaha Shacabka Somaliya Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2021.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More