Heemaal News Network

Amar la Dul-dhigay Golaha Wasiirada Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey shirka maamul baahinta Puntland oo ay ka qeybgaleen Wasaaraddaha kushaqo leh sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta, Howlaha Guud, Haweenka, Maaliyadda iyo Tamarta, Biyaha iyo Macdanta.

Wasaaradaha ka shaqeynaya maamul baahinta ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland warbixin ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay, sida horumarka Wasaaraduhu ka gaareen maamul baahinta ,shaqooyinkii u qabsoomay iyo guulaha laga gaaray qorsheyaashii lagu dejiyay shirarkii ugu danbeeyay ee ku saabsana maamul daadajinta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada socota, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta wasaaraddaha in lasii dardargeliyo shaqada si adeega dowladdnimo loo gaarsiiyo dhammaan dadweynaha reer Puntland.

Related posts

Taliyaha Booliiska Somaliland Oo ka Hadley Khasaarihii ka Dhashay Ciyaartii Shalay Iyo Amniga.

Heemaall

Mucaaridka Turkiga Oo Erdogan ku Dhaliilay Taageerada Uu Siiyo Somaliya

Heemaall

Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Ee Itoobiya Oo Isku Casilay si Lama Filaan ah.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More