Heemaal News Network
Soomaaliya

Amiirka Cusub Ee DAACISH Ee Bedalay Hoggaamiyihii Al-Baghdadi Oo Lagu Qabtay Ciraaq.

Ciidammada dalka Ciraaq ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninka la rumeysan yahay inuu beddalay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqhadi kaasoo lagu dilay howlgal ay ciidamada gaarka ah ee Marekanka ka fuliyeen Gobalka Idlib ee dalka Syria bishii October ee sanadkii hore.

Hoggaamiyaha ay sirdoonka Ciraaq sheegeen in gacanta lagu dhigay ayaa lagu magacaabaa Amir Mohammed Abdul Rahman Al-Mawli Al-Salbi, kaasoo la baxay magaca Cabdul Naasir Qardash.

Qardash ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey dagaalkii cuslaa ee Bishii February sanadkii 2019 ka dhacay Deegaanka Baquus ee dalka Syria.

Sirdoonka Ciraaq ayaa sheegay inay heleen xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan, sidaasna ay ciidamada Booliska weerar ugu qaadeen guri ku yaalla degmada Hawija ee Kirkuk oo dhacdo Waqooyiga Baqdaad, islamarkaana ay suurta gashay in gacanta loogu soo dhigo, isagoo watay aqoonsi been abuur ah oo lagu qoray magaca ah Shaclaan Cubeyd.

Naasir Qardash ayaa asal ahaan kasoo jeedo dadka Turkemen-ka Ciraaq ee ku nool Gobalka Telafar oo u dhow magaaladda Mosul ee Waqooyiga Ciraaq.

Illaa hadda kooxda Daacish kama ayna hadlin sheegashada Sirdoonka Ciraaq ee ah inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii badalay Abu Bakar Albaqdaadi, mana jirto caddeymo muujinayo sheegashada Ciidamada Ciraaq.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More