Heemaal News Network

AMISOM Oo Balan-qaaday Adkaynta Amniga Doorashada Somaliya.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb Francisco Madeira ayaa warbixin ka siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya .

Waxaa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in si ballaaran ay uga qeyb qaato doorashada Ammaankeed, isagoo xusay in ay mar hore bilaabeen qorshaha taageerada Ammaanka.

Wuxuu ku celiyay Midowga Afrika rabitaankiisa ah inuu arko kaqeybgal buuxa haweenka ee doorashooyinka soosocda, isagoo xusay in lagu guuleysto qoondada 30 boqolkiiba haweenka.

Wuxuu soo tilmaamay in AMISOM ay gudaneyso waajibaadkeeda ah inay taageerto dowlada Soomaaliya si loo diyaariyo loona qabto doorashooyinka.

Taageerada dhinacyada badan leh waxaa ka mid ah howlgalada wadajirka ah, qorsheynta amniga, tababarka amniga doorashada ee booliska Soomaaliyeed ee ku sugan maagaalooyinka doorashada lagu qabanaayo.

Related posts

Murashixiintii ku Shirsanaa Nairobi Oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Heemaall

Wax Ka Ogow Taariikhda Lamaanha Qaxootiga Ah Ee Soo Saaray Talaalka Covid-19

Heemaall

Gorilla Ku Nool Maraykanka Oo Laga Helay Covid-19

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More