Heemaal News Network

AMISOM Oo keentay Ciidamo Sugaya Amniga Doorashooyinka Somaliya.

Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo ka socda dowladda Ghana ayaa soo gaaray Soomaaliya, kuwaas oo tababar muddo 9 maalmood ah ku qaatay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMg ah ee Maamulka Koonfur Galbeed si ay uga howlgallaan.

Saraakiishaan oo tiradooda gaareysa 160 Sarkaal ayaa ku biiraya Ciidamada Booliska AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo kala socda dalalka, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.

Cutubka 160-ka ah ayaa waxaa ay Baydhabo ku qaateen tababaro la xiriira inay bartaan waajibaadka AMISOM, fahmaan dhaqamada iyo xeerarka Soomaalida, qaab dhismeedka iyo asalka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, mabaadi’da hawlgallada nabad ilaalinta, wacyigelinta jinsiga, ilaalinta dadka rayidka ah iyo wacyigelinta COVID-19.

Saraakiishan ayaa markii la howl galiyo waxay ka shaqeyn doonaan tababarka, la talinta iyo taakuleynta howlgalka ee Booliska Soomaaliyeed (SPF), bixinta adeegyo ilaalin, tabababar iyo ka caawinta ciidanka booliska ee maamulka kala dambeynta bulshada, Waxay sidoo kale door ka qaadan doonaan sugida amniga doorashooyinka qaran ee soo socda ee Soomaaliya.

“Waan ku faraxsanahay in saraakiishan ay goobta joogaan, dhamaantoodna waxay yihiin kuwa caafimaad qaba. Waxay soo mareen karantiin khasab ah oo labo toddobaad ah ‘COVID-19’ waxayna sameeyeen indho-indheyn. Waxay diyaar u yihiin xoogna u leeyihiin inay gutaan waajibaadkooda, ”ayuu yiri Kormeeraha guud ee Booliska AMISOM ahna Isuduwaha Booliska AMISOM ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Patrick Yerima.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay dhamme Amiin Maxamed Cismaan ayaa dhankiisa sheegay inay wada-shaqeyn dhe-mari doonto Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayna wada guuleysan doonaan.

“Booliska Koonfur Galbeed iyo Booliska AMISOM waxay leeyihiin xiriir wanaagsan oo soo jireen ah. Laga soo bilaabo tababbarka illaa hawlgallada wadajirka ah, waxaan ku qabannaa wax walba iskaashi. Waxaan soo dhaweyneynaa saraakiishan booliska ah, waxaana rajeyneynaa inaan howlgalo wada jir ah aan kula sameyno halkan Baydhabo iyo magaalooyin kale, ”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay.

Maaddaama AMISOM ay yareyneyso tirada ciidamada ee ku jira Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay diyaarineysaa Ciidamadda Dowladda oo mas’uuliyada Amniga dalka kala wareegaya Ciidamada AMIOSM.

Related posts

Dhalinyarada Xaq U Dirirka Awdal Oo ku Baaqay In la Qaadaco Diwaan-galinta Codbixiyayaasha.

Heemaall

Muuse Biixi Oo Maanta Socod ku Maray Deegaanada Xeebaha Awdal iyo Salal.

Heemaall

Guddoomiyihii Gobolka Gedo Oo Xilkii Laga Qaaday & Mid Cusub-na la Magacaabay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More