Heemaal News Network
somali

Amisom Oo lala Eegtay Qarax Xoogan Iyo Shabaab Oo Sheegatay

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo wateen ciidamo katirsan nabad ilaalinta AMISOM, kuwaa oo lala beegsaday qaraxa xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Xaawo Cabdi.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa dhacay xilli gaadiidka ciidamada AMISOM laamiga marayeen, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Al Shabaab ayaa warbaahintooda ku sheegay in qaraxa haleelay gaari xamuul oo saad u siday ciidamada AMISOM, waxa ayna sheegeen in qaraxaasi lagu dilay hal askari oo katirsanaa ciidamada AMISOM.

Taliska ciidamada AMISOM ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxan lagula eegtay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, manba jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha AMISOM kasoo gaaray qaraxan.

Related posts

Mareykanka Oo Baaritaan ku Bilaabay Weerarkii Al-Shabaab Ee XeradaManda Bay Kenya

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo War Kasoo Saaray Xadhiga General Doolaal Sharci Dara-na Ku Tilmaamay.

Heemaall

Farmaajo Oo Dhiggiisa Uganda kala Hadlay La-dagaalanka Al-Shabaab.

Heemaall