Heemaal News Network
somali

AMISOM Oo Saldhiga Maryan Gubaay ku Wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka.(Sawirro)

Ciidamada AMISOM, ayaa maanta ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka saldhigga Maryan Gubaay ee gobolka Shabeellaha Hoose, kasoo maalmo ka hor Al-sheegtay iney qabsatay.

Wixii hadda ka danbeeya ammaanka saldhigani waxaa sugi doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya

Xafladan kala wareejinta saldhiga, ayaa waxaa kasoo qeyb galey guddoomiyaha gobolka ShabeelahaHoose Cabdulqaadir Siidii, iyo guddoomiyaha degmada Baraawe oo ah halka uu ku yaallo saldhigani.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii uggu danbeeyey ka wada dhaqdhaqaaqyo balaaran gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaalya, iyagoo dagaalo badan la galay Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa qorsheynaya iney ka baxaan dalka iyagoo awooda si qeyb qeyb ugu wareejinaya ciidamada xoogga dalka oo weli ku jira xaalad dib u dhis ah.

Related posts

Axmed Madoobe Oo Goordhawayd soo Gaaray Muqdisho (Sawirro)

Heemaall

Maamulka Muqdiusho Oo War kasoo Saaray Dagaalkii Maanta

Heemaall

Waraabe Oo Qado Sharaf ku Maamuusay Dhalinyaro Calanka Somaliland Ku Xustay Borama.

Heemaall