Diyaarad Helicopter ah oo ku jirtay hawlgal ay ku taageerayso ciidamada AMISOM ayaa burburtay waxyar kadib markay ka duushay deegaanka Balidogle ee gobolka Shabeellada Hoose.
War kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in shilka uu dhacay maalintii Jimacada aheyd.
Waxaa diyaarada saarnaa Askar Amisom ah iyo Alaab waxaana laga lahaa dalka Uganda.
Dhammaan afarta askari ee saarnaa diyaaradda helikobtarka ah ayaa la soo badbaadiyey, xaaladooduna waa ay deggan tahay.