Amnesty Oo War kasoo Saartay Soomaali ku Dhibaateeysan Xabsi ku Yaalla Sacuudiga

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa waxaa ay ka qeylo-dhaamis Dad ay ku jiraan Soomaali oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan Xabsiyo ku yaalla Dalka Sacuudi Carabiya.

War kasoo baxay Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in muhaajiriinta Xabsiyada ku jira ay dareemayaan cadaadis xoogan, sida in laba laba la isugu xiro in aan loo ogolaan inay suuliga ama musqsuha aadaan,isa markaana Xabsiga ay ka dhigtaan Suuli.

Dadka ku dhibaateysan Xabsiyada ku yaalla dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan dalalka, Soomaaliya, itoobiya iyo Eleteriya,waxaana Hay’adda Amnesty ay ugu baaqday mas’uuliyiinta Magaalada Riyaad inay xaalada Xabsiyada waxka bedelaan

Xabsiyada ay dadka muhaajiriinta ah ku dhibaateeysan yihiin oo ay walaaca ka muujisay Hay’adda Amnesty International ayaa waxaa ay ku kala yaallaan Magaalooyinka, Jeddah, Mecca-Aldayar iyo Jizan.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ina dadyow ay wareysteen ay kasoo xigteen inay arkeen Saddex meyd ah oo maxaabiista kamid ahaa, kuwaas oo u dhashay dalalka, Soomaaliya itoobiya iyo Eleteriya,isla markaana dhamaantood ay yihiin dad la yaqaano.

Dowladda Sacuudiga weli wax jawaab ah kama biixn eedeyntaan uga timid Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International, iyad aoo ay xusid mudan tahay inay jiraan dad badan oo ku jira Xabsiyada ku yaalla dalka Sacuudiga.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy