Heemaal News Network

Janeraal Maxkamad Ugu Hanjabay Ciidamadii Laayay Banaanbaxayaasha Baladwayne.

Janeraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah Hoggaamiyaha Jabhadda kasoo horjeeda qaabka loo dhisay Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, isla markaana Ciidamo farabadan heysta ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne.

Janeraalka ayaa booqday qaar kamid ah dadkii Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ay ku dhaawaceen rasaas ay ku fureen xilli ay Beledwyene ka dhigayeen banaanbax ay uga soo horjeedeen Maamulka Hir-Shabeelle & dad ay Ciidamada xireen.

Dhaawacyada uu booqday ayaa waxaa kamid ah haweeneey lagu Magacaabo Nimco Caalin oo kamid ahedy dadkii ku dhaawacmay rasaastii ay fureen Ciidamada booliska Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan halkaasi uga hareen Ciidamadii dadka shacabka ah rasaaseeyay, waxaana uu sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonaan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay warar sheegayay in uu kasoo horjeedo in doorashada Xildhibaannada labada aqal lagu qabto Beledweyne, waxaana uu sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin, isla markaana doorashada lagu qaban karo Beledweyne.

Related posts

Booliska Soomaaliya Oo Wacad Ku Maray In Ay Sharciga Hor Keenayaan Koox Dil Gaysatay

Heemaal

Wiil Soomaali ah Oo Lagu Dilay Magalada Idmanton Ee Dalka Canada.

Heemaall

Puntland Oo Xaalad Degdeg ah Galisay Gobolka Bari.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More