Heemaal News Network
somali

Angela Merkel Oo Diiday Codsi Uga Yimid Xoghayaha Guud Ee Q/Midoobay

Hogaamiyihii hore ee Jarmalka Angela Merkel ayaa ku gacan sayrtay codsi shaqo oo uga yimid Qaramadda Midoobay

Codsigan ayaa si gaar ah uga yimid Xoghayaha guud ee QM António Guterres, kaas oo uu doonayey inuu Merkel ugu magacaabo Xubin sare oo ka mid ah Shaqaalaha UN-ka

hase ahaatee Merkel oo Telefoonka ka wacday António Guterres ayaa sheegtay inaanay doonayn Shaqadaas sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa Jarmalka.

Angela Merkel ayaa ka degtay dabayaaqadii sanadkii hore xilka hoggaamiyaha Jarmalka kaddib 16 sano oo ay xilkaasi heysay, taasoo soo afjartay waayaheedii siyaasadeed oo socday muddo ka badan 30 sano.

Related posts

Israil Oo xasuuqday Dhalinyaro Falasdiiniyiin Ah

Heemaal

Xukuumadda Imran Khan Oo la Filayo in Kalsoonida Lagala Noqdo

Heemaall

Golaha Wakiilada Oo Guda-galay Xeerar Golaha Guurtida Somaliland soo Celiyey.

Heemaall