Aqalka Cad Oo ka Waramay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Caafimaadka Madaxweyne Trump

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka warbixiyay xaaladihi ugu dambeeyay ee caafimaadka madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kadib markii isaga iyo xaaskiisa laga helay Cudurka Coronavirus.

Agaasimaha Aqalka Cad ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Trump ay wanaagsan tahay uuna howlihiisa si caadi ah u gudanayo.

Warkan ayaa imanaya bil kahor xilliga ay dhacayso doorashada dalka Maraykanka iyadoo Trump uu la tartamayo Joe Biden.

Waxaa la baarayaa dhammaan dadkii uu xiriirka la sameeyay Madaxweyne Trump oo ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalooyin ka mid ah dalka Maraykanka.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence iyo xaaskiisa oo laga baaray cudurka Coronovirus ayaa laga waayay.

Lama sheegin in la baaray iyo inkale musharaxa madaxtinimada dalka Maraykanka Joe Biden oo talaadadii aan ka soo gudubnay doodii ugu horeysay ee doorashada Maraykanka.

Cudurka Coronavirus ayaa laga halay dad kabadan 7 malyan oo ruux gudaha dalka Maraykanka halka ay dad ka badan labo boqol oo kun oo ruux ay u dhinteen.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy