Heemaal News Network

Aqalka Sare Oo Beeniyay Jiritaanka Kulan Uu Farmaajo ka Codsaday Baarlamaanka.

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa loo diray fariintan ka timid Gudoonka Aqalka sare xili maalinta beri ah lafilayay in Madaxweynaha uu hortago labada Aqal.

War kasoo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in uusan jirin wax kulan ah xilli golaha Shacabka loo diray in berri uu jiro kulan uu xildhibaanada ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo.

WERGELIN:

Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Jannaayo 2021.

Related posts

Safaaradda Somaliya Ee Nairobi Oo Shaqoo Joojin Samaysay.

Heemaall

Kenya Oo Dalbatay in Warbaahinta Laga Saaro Shirka IGAD Ee ka Furmay Jabuuti

Heemaall

Qarax Goor-dhawayd ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More