Heemaal News Network

Aqalka Sare Oo Go’aan kasoo Saaray Xubnaha Lagu Daray Golaha Adeega Garsoorka Dalka.

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sharci darro iyo jabin dastuur ku tilmaamay hannaanka loo maray magacaabidda todobo xubnood oo kamid noqonaya golaha adeega garsoorka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xubnahan ku ansixiyay xeer madaxweyne oo soo baxay dhammaadkii bishii december ee sanadkii lasoo dhaafay, inkastoo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku tilmaameen in taariikhda laga bedelay oo ay soo baxday wixii ka dambeeyay muddo xileedka madaxweynaha.

Qoraal dheer oo kasoo baxay aqalka sare ayaa lagu sheegay, in magacaabista xubnahan uu baalmarsan yahay dastuurka oo xeerinaya in ay soo magacowdo xukuumad sharciyad haysata.

Aqalka sare waxay ku doodayaan in xubnahan ay markii hore ay soo magacowday xukuumadii la riday ee raysal Wasaare Kheyre, waxayna madaweynaha ugu baaqeen inuu joojiyo ku xadgudubka dastuurka una hoggaansamaan sharciga sida ay hadalka u dhigeen.

Related posts

Dhacdo Naxdin leh:-Wiil Silay Sheekh Caan ka ahaa Somalida Australia Oo Qur’aan Saarayey.

Heemaall

Wasiiro Iska-casilay Maamulka Trump Kuna Eedeyay Rabashadihii Capitol.

Heemaall

Siyaasiyiintii Caanka aka ahaaSomaliya Ee Covid 19 U Geeriyootay Sanadkan 2020.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More