Heemaal News Network
somali

Ardaga Wada-hadalada Ukraine Oo Jil-jileec Looga Digay

Ka hor inta aysan bilaabmin wada-hadallada maanta ee Istanbul, wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa kula taliyay qof kasta oo tagaya wada-xaajoodka Ruushka “inuusan wax cunin, waxna cabbin”.

Wasiirka ayaa arrinkan shaaciyay mar uu ka hadlayay telefishinka wararka Ukraine ee Ukrayina 24. Digniintan ayaa timid ka dib markii la tuhunsanaa in la sumeeyay bilyaneerka Ruushka Roman Abramovich iyo wada xaajoodayaasha Ukraine horaantii bishaan wadahadal nabadeed oo ka dhacay xadka Ukraine iyo Belarus.

Waxaa jira shaki laga qabo sumayn, waxaana sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa la sheegin ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay in sirdoonka uu sheegay in calaamadaha ay sabab u yihiin arrimo “deegaan” ah, ee aysan ahayn sunta.

Abramovich ayaa lagu arkay goobta uu wada xaajoodka ka socda, sawirro ay baahiyeen warbaahinta Turkiga ayaana lagu arkayay.

Related posts

Xildhibaan Baarlamaanka Ku Dhex Dagaalamay Oo Dareeniisa Cabiray

Heemaall

Haweenka Beelaha Gabooye Ee Boorama Oo Cadaalad-daro kaga Cabanaya Somaliland

Heemaall

Xasan Sheekh Oo Kulan la Qaatay Madaxa Hay’adda USAID Ee Maraykanka.(Sawirro)

Heemaall