Heemaal News Network
Soomaaliya

Ardayda Fasalka 12aad Ee Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo ku Gacan-saydhay Natiijadii Imtixaanka.

Iyadoo maalinimadii shalay la shaaciyay natiijada Imtixaanka fasalka 12aad ee dalka Itoobiya, ayaa ardaydii degaanka Soomaalidu ee fasalka 12aad Imtixaanka gashay ayaa ku qanci-waayay natiijadii Imtixaanka iyadoo intooda badani ay dhibco hoose keeneen.

Ardaydan ayaa qaarkood ka biyo diiday natiijada imtixaanka waxayna sheegeen inay haba yaraatee aysan ku qanacsanayn natiijadii la shaaciyay, isagoo arday walba uu natiijadiisa ka helay bogga Internetka.

Ardaydan ayaa qaar kamid ah qaba in tayadii waxbarashadu ay ahayd mid hoosaysay, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in iyagu aysan dadaal badan la imaanin.

Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa horey u sheegay in qishkii la joojiyay, isla markaana arday walba uu dadaalkiisa helayo, waxaa kale oo uu sheegay in arday badan oo qish ku gudubta ay dhaanto arday yar oo dadaalkooda ku gudubta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More