Heemaal News Network

Ardayda Kenya Oo soo Bandhigtay Hub Cusub Oo Lagu Qalabaynayo Ciidamada Kenya.

Koox dhalinyaro ah oo reer Kenya ah oo ka tirsan ardayda jaamacadaha ayaa loo xilsaaray sameynta hub cusub iyada oo lagu fulinayo hawlgal qarsoodi ah oo loogu magac daray Mashruuca Warshadeynta Amniga Qaranka.

Ardaydan oo ku jira da’da 20-meeyada waxaa la soo xiriiray Adeegga Sirdoonka Qaranka sida uu shaaca ka qaaday Afhayeenka Dowladda Col (Rtd) Cyrus Oguna.

Ardaydan dhalinyarada ah ayaa lagu amaanay sameynta hub magaciisa lagu sheegay CMZ 4 Assault Rifle, oo ah aalad yareyneysa saameynta waxyaabaha qarxa ee la farsameeyay iyo hubka kale ee wax dila.

Bishii hore, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa booqday akadeemiyada lagu sameynayay hubkaan, isagoo ammaanay waxqabadka ardayda fulinaysa mashruucaan.

Kenya ayaa sheegtay inay hubkaan ugu talo gashay Ciidamada Difaaca Kenya si ay u yareyso ku tiirsanaanta hubka shisheeye.

Qeyb kamid ah hubkaan ayaa la sheegay in ay dowladda Kenya u adeegsandoonto ka hortaga kooxda Al-Shabaab.

Related posts

Abiy Axmed Oo ka Hadlay Xaalada ka Taagan Gobolka Tigreega.

Heemaall

RW Rooble Oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka ay Qaadaceen Musharixiinta.

Heemaall

Tahriibayaal ku Dhintay Doon ku Degtay Xeebaha Liibiya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More