Heemaal News Network

Ardey ku Dhawaacantay Duqeyn Laga Geystay Caasimadda Tigray.

Ardey ayaa ku dhaawacantay duqeyn laga geystay agagaarka jaamacadda Mekelle, sida uu ku warramay teleefishinka gobolka Tigray.

Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in la duqeeyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaas halkaas uu dhaawac kasoo gaaray dad rayid ah.

Militeriga Itoobiya weli kama aysan hadlin duqeyntaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa howlgal militeri ka wadaa gobolka Tigray, halkaas uu dagaal ku dhexmaray ciidamada militeriga iyo dagaalyahanada TPLF.

Boqolaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen colaadda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay ka qaxeen gobolka kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadeeda ay ku dhaw yihiin caasimadda Tigray.

Related posts

Wariyihii Universal Tv Ee Borama Oo Hada Xabsiga loo Taxaabay.

Heemaall

Soomalida Uu Gumaysto Sawaaxiligu Oo Walaac Ka Muujisay Dastuurka Kenya Oo La Badalayo

Heemaal

Mahdi Guuleed “Somaliland Waan Tagi karaa Balse Hal Sabab ayaan Uga Joogaa”

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More