Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cabsi weyn ay soo wajahday kaddib markii gudaha Baarlamaanka lagu arkay Xildhibaan hubaysan.
Elisha Odhiambo oo ka tirsan xubnaha Baarlamanka ayaa ku wargaliyay Gudoonka baarlamaanka inuu arkay wax hub u eg kuna jira jaakada xildhibaan Maxamed Cali oo ah xildhibaan laga soo doorta magaalo xeebeedka Mombasa ee degmada Nyali.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya Justin Muturi, ayaa xildhibaan Maxamed Cali ka codsaday inuu xaqiijiyo inuu hub wato iyo inkale “Iga raali ahaada, waan hilmaamay inaan qoriga banaanka uga soo tago, waxaan ahay bini aadam, ayuu yiri Maxamed Ali oo ka dib banaanka u baxay, islamarkaana meel soo dhigtay.
Cali ayaa ku eedeeyey xildhibaan Odhiambo inuu arrintan si khaldan u faafiyay, ayna tahay mid siyaasadeysan, maadaama ay labaduba taageerayaan dhinacyo iska horjeeda.