Arsene Wenger Oo Ka Hor Joogsaday In Uu Henery Ku Soo Noqdo Arsenal

Tababare Arsene Wenger ayaa hor istaagay qorshe ay maamulka kooxda Gunners ku damceen iney dib ugu soo celiyaan Thierry Henry tan iyo dhamaadka xili ciyaareedka.

Macalinkaan reer France ayaa u diyaar garoobay inuu jawaab ka siiyo maamulka Gunners oo uu hogaaminayo Josh Kroenke oo ah wiilka uu dhalay Stan Kroenke oo ah shaqsiga leh milkiyadda ugu badan ee kooxda.

Josh ayaa aaminsan in qolka labiska uu u baahan yahay shaqsi sida Thierry Henry kaas oo ugu yaraan xasuusiya waqtigii dahabiga ahaa ee kooxda xilli ay kooxda qatar ugu jirto iney seegto koobka horyaalada yurub xili ciyaareedka soo aadan.

Henry haatan waa caawiyaha macalinka xulka qaranka Belgium Roberto Martinez, sidoo kalana waa falanqeeye ka tirsan hillinka Sky Sports.

Waxaa la fahansan yahay in Sky Sports aysan ka hor istaagi doonin Thierry Henry hadii Wenger uu ogolaado inuu caawiyo inta ka dhiman xili ciyaareedka.

Balse, tababaraha 21-ka sano maamulaya soo jeedintii Josh Kroenke kuma qancin wuxuuna hor istaagay inuusan dib kooxda ugu soo laaban Henry.

Dhawaan ayey aheyd markii Arsene Wenger uu hor istaagay in Henry uu shaqada tababaranimo ee da’yarta 18-jirada isagoo usoo bandhigay inuu ka tanaasulo shaqada Sky Sports iyo midda 18-jirada inuu mid doorto iyadoo xidigii hore qaranka France uu doortay inuu ka shaqeeyo Sky Sports.

Ugu dambeyntiina waxaa la fahansan yahay in Wenger uu ka cabsi qabo Thierry Henry inuu ka dhaxlo shaqada Gunners.