Askar ka tirsan Milateriga Somalia Oo Mishaaradoodii Ugu Deeqay Barakacayaasha Muqdisho (Sawirro)

Ciidamo ka tirsan Mileteriga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhaqaaqay talaabo lagu farxo oo lama filaan ka noqotay dad badan.

Askar ka tirsan guutada 60-aad ee Miletariga Somalia ayaa lacago ay ka jareen mushaharkooda u qeybiyay barakacayaal ku nool degmada Howlwadaag ee gobolkan Banaadir.

Ciidamada ayaa waxay siinayeen qofkiiba lacag dhan boqol kun shilin Soomaali ah taasoo ay ka jareen Mushaharkii ay qaateen oo isaguba aan badneyn.

Inkastoo askarta lacagaha qeybiyey aysan aad u fara badneyn haddana talaabadan ayaa loo arkaa mid bilow ah oo ku dayasho mudan, isla markaana muujineysa in moralka iyo nolosha ciidamadu soo wanaagsanaanayo.

Talaabada ay qaadeen ciidamada ayaa waxa soo dhoweeyey dad badan oo la yaab ay ku noqotay maadaama ay maqli jireen taas caksigeed ciidamo gadooday mushahar la’aan awgeed