Heemaal News Network

Askar Ku Dhimatay Qarax Lala Eegtay Taliyaha Qaybta 21aad Ee CXDS

Qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoona qaraxaasi lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo ka baxay magaalada Dhuusamareeb.

Deegaanka ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa waxaa lagu magacabaa sina-dhaqo taas oo dhacda duleedka caasimaada Galmudug.

Inta la ogyahay qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay labo askari halka ay ku dhaawacmeen toban askari.

Gaariga qaraxa haleelay ayaa waxa uu galbinayey Taliyaha ciidanka qeybta 21aad General Qooje.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Related posts

Qatar Oo Waqti-denbe kasoo Horjeesatay Xiriirka Israa’iil Iyo Dalalka Carbeed.

Heemaall

Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha Somaliya Oo War Laga soo Saaray

Heemaall

Digniin Laga soo Saartay Musiibo kusoo Wajahan Qeybo ka Mid ah Somaliya(Akhriso)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More