Heemaal News Network

Askar ku Dhimatay Qaraxyo Lagu la Eegtay Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac, waxaana Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka degaanka leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada Bangaraafta ee uu Mareykanka tababaro xilli ay marayeen duleedka degaanka leego, iyaga oo ka ambabaxay Garonka diyaaradaha Balli-doogle, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo askarta kasoo gaartay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxy uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana ay ku geeriyoodeen ku dhawaad lix Askari kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana askarta qaraxa ku dhintay kamid ah Nin lagu Magacaabi jiray Cabdirashiid Cali Guuleed.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxaas, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxaas, iyaga oo sheegay inay ku dileen 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Bangaraafta.

Related posts

Dawlada Oo Diwaan-galinaysa Qoysaska ay ka Taageeraso Saamaynta Ayaxa(Sawiro)

Heemaall

Wasiirka Batroolka Oo ka War-bixiyay Heshiiskii Xirmooyinka Shidaalka Ee Baaqday.

Heemaall

Sacuudiga Oo jawaab ka Sugaya Madaxweynaha Cusub Ee Mareykanka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More