Heemaal News Network
Soomaaliya

Askari Wiil yar Maanta ku Dilay Afaafka Hore Xarunta Gobolka Banaadir.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka dil ugu geystay Ilmo yar afafaaka hore ee xarunta gobolka Banaadir.

Askariga dilka geystay ayaa ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaasoo dilay wiil yar oo lagu qiyaarsay 10 jir, islamarkaana kabo Caseeye ahaa ayaa yimid, kadib markii askariga toogtay uu ku eedeeyey inuu ka xaday Mobile, sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe gacanta lagu dhigay askariga ka dambeeyey dhacdadaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilka cunugaasi yar.

Inta badan ciidamada ammaanka ayaa dilal ka dhan ah shacabka ka geysta Muqdisho, iyadoona ay marar badan dowladdu ku cel-celisay inay wax ka qaban doonto falalkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More