Heemaal News Network
somali

Axmed Madoobe Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahad naqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

Safarka uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu maqnaa dalka Kenya ayaa qeyb ka ahaa dib u dhaca ku yimid Kulankii Golaha Shacabka ee lagu doonayay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ku horgeeyo Xildhibaannada si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Related posts

Maxkamad Xukun Dil ah ku Riday Askari Borama ku Dilay Taliyihiisa.

Heemaall

Soomaaliya Oo Qaylo Dhaan U Diratay Dalalka Iskaashiga Islaamka

Heemaall

Dad ku Dhintay Gaari Rakaab ah Oo Lagu Qarxiyay Duleedka Balcad.

Heemaall