Heemaal News Network
somali

Axmed Madoobe Oo Gaaray Garowe, Loogu-na soo Dhoweeyey.(Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka dayuuradaha Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Axmed Madoobe ayaa kulamo Garoowe kula yeelan doona Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni waxaana Labada mas’uul si gaar ah uga wada-hadli doonaan doorashada Golaha Shacabka iyo guud ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Kulanka Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la guda galayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia.

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Somaliland Uga Digay Maanka Dooriya Salaadii Ciida Kadib.

Heemaall

RW Rooble Oo Xog-waraystay Madaxdii Dowladda Uga Qeyb-gashay Dhageysigii Go’aanka Maxkamada ICJ.

Heemaall

Dhimashada Cudurka Ebola Ee Uganda Oo Korodhay

Heemaall