Heemaal News Network
somali

Axmed Madoobe Oo Kulan Gaata la Yeeshay Jeneraal Amisom Iyo Saraakiil kale.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida kulan qado sharaf ah kula qaatay Taliyaha qeybta labaad ee howlgalka AMISOM ee ka howlgala deegaanada Jubaland Jeneraal Jeff Nyagah iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha iyo Sarakiishan uu Taliyaha hogaaminayay ayaa lagaga hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo dardar galin lahaa isla markana la isaga kaashan lahaa howlgalada wadajirka ah.

Waxa ayna labada dhinac isla soo qaadeen in laga maarmaan tahay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.

Ciidamado katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ku sugan deegaano katirsan maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Related posts

Kooxdii Gaysatay Dilkii Madaxwaynihii Haiti Oo Sir Culus Laga Helay.

Heemaall

Qaramada Midoobay : Imaaraadka Waxaan Ka Rabnaa War Macno Leh, Kuma Filna Kaliya,,,

Heemaal

Militeriga Koonfur Afrika Oo la Geeyay Gobollada Rabshaduhu Ha-keeyeen.

Heemaall