Axmed Madoobe Oo Mudo kadib ka Dhoofay Muqdisho Kuna Laabtay Kismaayo (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedlka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo kadib Safar shaqo oo la xiriira hirgalinta hanaanka Doorashada dalka oo uu mudo bil ah u joogay Magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay Axmed Madoobe labada Madaxweyne ku xigeen, Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kala duwan oo katirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana maalmo badan magaalada Muqdisho u joogay shirarkii lagu go’aaminayay doorashada Soomaaliya oo ugu dambeyn la isku raacay nidaamka loo marayo iyo waqtiga ay dhaceyso.

Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka , Hogaamiyaasha Mucaaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy