Heemaal News Network
somali

Axmed Madoobe Oo Qaabilay Wefdiga Wasiir Bayle Ee Uguur-galka Abaaraha Jubaland

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Dowlada Federaalka ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wefdigan ka socda Dowlada Federaalka ayaa u tagay magaalada Kismaayo u kuur galida xaalada abaaraha ee ka jira deegaano katirsan Jubaland iyo sidoo dowlada Federaalka gacan uga geesan laheyd caawinta dadka abaauruhu aafeeyeen.

Sidoo kale wafdigan ka socda Dowladac Federaalka Soomaaliya waxay deeq kala duwan oo ka kooban qalab Caafimaad ku wareejiyeen Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada maamulka Jubaland.

Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan ka hadlay xaalada abaaraha ee ka jira Jubbaland, waxa uuna ugu baaqay Hay’addaha gar gaarka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gar gaar gaarsiiyaan dadka ay abaauruhu ku saameeyeen Deegaanada Jubbaland.

Related posts

Golaha Wakiilada Oo War kasoo Saaray Doorashada Madaxweynaha Somaliland

Heemaall

Muqdisho:-Askar ka Tirsan AMISOM Oo Loogu Maxkamadeyay Gudaha Somalia Dilka Dad Rayid ah

Heemaall

Wasiirada Caafimaadka Somaliya Oo Qaabishay Wafdi ka Socday Hay’ada WHO Oo Muqdisho soo Gaaray.

Heemaall