Azerbaijan iyo Armenia Oo Gaaray Heshiis Cusub Oo ku Yimid Cadaadis la Saaray.

Dowladaha Azerbaijan iyo Armenia ayaa xalay xili dambo gaaray heshiis xabad joojin ah , kadib dagaal dhiig badan ku daatay oo mudo bil ku dhaw u dhaxeeyay ciidamada milatariga labada dal.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradaha arimaha dibadda labada dal ee dagaalka u dhaxeeyay ayaa lagu shaaciyay heshiiskan xabad joojinta bini’aadanimo, kadib dagaalo culus oo labada dal ku dhax maray gobolka la isku heesto ee Nagorno-Karabakh.

Dowladaha Ruushka iyo Faransiiska ayaa labada dal ku cadaadiyay in ay gaaraan heshiiska xabad joojinta ah si xal loogu raadiyo colaada labada dal ka dhax aloosan ee galaafatay nolosha dad badan.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron iyo Wasiirka arimaha dibadda Ruushka ayaa ugu baaqay dowladaha Azerbaijan iyo Armeniay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaareen.

Heshiiskan xabad joojinta ah ay gaareen labada dal ee colaada u dhaxeyso ayaa imaanaya xili uu horey u bur buray heshiis xabad joojin ah ay gaareen, lamana oga in heshiiskan cusub ee labada dal gaareen uu hirgali doono iyo in kale.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy