Baadari Lagu soo Eedeeyey inuu 13 Kufsi Geystay Oo Lagu Xiray India.

Baadari Franco Mulakkal, oo oo 54 jir ah inta u dhaxeysay 2014-2016 wuxuu Dumar Kaniisadda Katolika ka tirsan uu u geystay 13 Kufsi.

Bishi June ee sanadkan waxaa Booliska uga soo dacwooday haween ka mid ah kuwa uu Kufsiga u geystay.

Dumarka badan oo kaniisadda ka tirsan oo aad uga xun Kufsiga dumarkaasi loo geystay oo sameeyey mudaharaad ballaadhan aya wuxuu soio jiitay indhaha caalamka.

Waxayna Boolisku ninka Kufsiga lagu soo eedeeyey gacanta ku soo dhageen Jimcaha maanta iyada oo Booliiska seddex maalmood oo xiriir ah ay Su’aalo weydiinayeen.

Mulakkal, oo diiday inuu falkaasi geystay ayaa maalinta Sabtida ahaa la soo tagayaa maxkamad ku taallo dalka India.

Baadari Franco Mulakkal, wuxuu ka tirsan yahay Kaniisadda Kaatooligga oo qadiim ka ah dalkaasi India oo ay aaminsan yihiin 3% shacabka dalkaasi.