Heemaal News Network
somali

Baaritaan Lagu Bilaabay God Mucjiso ah Oo Lagu Arkay Woqooyiga Chile.(Sawiro)

Dowlada Chile ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samaynayaan god aad u wayn oo hoos u qodan oo aan la garanayn waxa uu yahay.

Godkan ayaa ku yaallaa meel u dhow goob macdanta laga qodo oo ku taalla dhinaca waqooyi ee waddankaas.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa aaminsan in godkan uu hoos u qodan yahay 200 oo mitir, halka balaciisuna yahay 25 mitir oo isku wareeg ah.

Muuqaal ay duubtay diyaarad ay kaamiro ku xiran tahay oo nooca uusan duuliye saarnayn ah ayaa muujiyay godkaas oo lagu arkay agagaarka dhul ay macdanta ka qoddo shirkad laga leeyahay Canada.

Arrimaha mucjisada ah ee lagula yaabay godkan waxaa ka mid ah in uu marba marka ka dambaysa sii fidayo, iyadoo aan loo jeedin cid qodaysa.

Waaxda Qaran ee Adeegga Dhulka iyo Macdanta ee Chile ayaa koox khubarro ah u dirtay aaggaas, si ay baaritaanno ugu soo sameeyaan.


Related posts

Xassan Shiikh iyo Wafdigiisa Oo Turkiga kasoo Laabtay.(Sawiro)

Heemaall

Hanti-dhowrka Qaranka Oo Baaritaan ku Bilaabay Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta.

Heemaall

Zinedine Zidane Oo Is Casilay

Heemaal