Heemaal News Network
somali

Baaritaan Lagu Bilaabay Kursiga Uu kusoo Baxay Mahdi Guuleed Oo Laga Cawday.

Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa baaritaan ku bilaabay kursiga HOP239 oo uu hore ugu fadhiyay xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo cabasho ka ah kursiga dhawaan doorashadiisu ka dhacday Muqdisho kaasoo uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay inay bilaabeen baarista kursigaas dacwadda looga soo gudbiyay.

Mudane Barre oo ka waramayay baaritaanka kursiga dacwada laga keenay ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay kusoo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaas.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa maalin ka hor tartan adag, iyada oo aan lala gelin ku guuleystay kursiga HOP239, taas oo hadal heyn badan dhalisay

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Gar-gaar Deg-deg ah ka Dejisay Magaalada Guriceel.(Sawiro)

Heemaall

Somaliland Oo Qabatay Harimacad Sharcidaro Loo Ugaadhsaday

Heemaall

Safiirkii Hore Ee Maraykanka Oo Shaaciyay Sida Somaliland ku Heli karto Aqoonsi.

Heemaall