Heemaal News Network
somali

Baarlamaanka Hir-Shabeelle Oo Dhageystay Khudbadaha 27 Musharax

Kalfadhiga 2aad Kulankiisa 2aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka qabsoomay caasimada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Abdihakin Lukman Haji Mohamed oo ay wehlinaayen Gudoomiye kuxigenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq iyo Gudoomiye Kuxigenka Mudane Mahad Hassan Osman ayaa ajendahiisu ahaa Dhageysiga Hadal Jeedinta Musharixiinta Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle ku matali doono Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Somaliya

Ilaa 27 Musharax oo buuxiyey shurudaha musharaxnimada ayaa maanta hadal jeedin ka hor sameeyay Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Maalinta berito ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ay ka qabsoonto doorashada 8 kursi ee Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Hir-Shabeelle.

Related posts

Madaxweyne Cagjar Oo QM kala Hadlay Xal U Helida Colaada Iyo Barakaca ka Taagan Itoobiya.

Heemaall

Dibad-bax ka Dhan ah Farmaajo Oo Caawa ka Socda Qeybo ka Mid ah Muqdisho.

Heemaall

Maareeye Oo Kala Jabka Gudiga Dorashada Somaliland ku Eedeyay Gudoomiye Ciro.

Heemaall