Heemaal News Network
somali

Baarlamaanka Itoobiya Oo Go’aan kasoo Xaartay Xaaladii Deg-dega Aheyd Ee Saarnayd Dalkasi

Baarlamaanka Ethiopia ayaa meel mariyey qaraar uu Raisal Wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed horkeenay golahiisa wasiirada kaasoo ah qaadista xaaladda deg dega ah ee dalkaas lagu soo rogay dhowr bilood ka hor markii xoogaga TPLF ay ku soo dhowaadeen Addis ababa.

Xaaladda ayaa looga gol lahaa in lagu adkeeyo amaanka caasimada xilli ay falaagada TPLF ay ku hanjabayeen in ay soo gali doonaan caasimadda.

Wareegtada xaaladda deg degga ah ayaa la soo saaray bishii November ee sanadkii hore xilli TPLF ay dagaal kula jirtay dowladda federaalka in ka badan shan iyo toban bilood.

TPLF ayaa beenisay inay beegsatay dadka rayidka ah. In ka badan 300 oo kun oo qof ayaa la sheegay inay ku barakaceen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Canfarta.

Related posts

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi Oo Ku Geeriyootay Qaraxii Baladwayne

Heemaall

Odayaasha Badhan Oo Iska Fogeeyay Masuuliyada Dadka ka Guuray Ceerigaabo Ee la Raray.

Heemaall

Wafdigii RW Rooble Oo si Wayn Loogu soo Dhoweeyey Magaalada Dhuusamareeb.(Sawiro)

Heemaall